Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Muxuu feeryahankii caanka ahaa ee Vitali Klitschko ka qabanayey madashii qorituurka Champions League, muxuuse yiri?

$
0
0

(Nyon) 13 Abriil 2018. Qorituurkii Champions League ee galabta waxa uu ahaa mid ay masiirkooda tartankan ku ogaadeen kooxaha Roma, Liverpool, Real Madrid iyo Bayern Munich balse waxaa madasha goobjoog u ahaa feeryahankii miisaanka culus Vitali Klitschko.

46 jirka waxa uu noqday horyaal aduun markii ugu horreeysay ee feerka isaga oo saddex mar loo calleemo saaray horyaalka miisaanka culus halka uu 45 jeerna dagaal ku guuleystay – waxaa laga adkaaday laba mar oo qura.

Laakiin markii uu ka fariistay ciyaarta sanadkii 2002 waxa uu ku biiray masraxa siyaasadda.

Waxa uu noqday duqa Kiev, magaalada martigalin doonta fiinaalaha Champions League bisha dambe, doorkaas ayaa ka dhigay in uu ka soo muuqdo madashii loogu qorituurayey afar dhamamadka Champions league.

“Hadafka caasimadda Ukraine waa in ay noqoto magaalo isborti oo dhab ah,” ayuu Klitschko ku sheegay af Ingiriis kabkab ah.

“Waxaa aad iga dhaadhacsan in isbortigu lahayn xuduud oo uu leeyahay awood bedeli karta dunida.

“Kiev waxa ay sugeysaa fiinaalaha sanadkan waxa ayna u soo bandhigeysaa soo dhaweyn diiran ciyaaryahanda kubadda cagta iyo qof walba oo u soo daawasha tagi doona ciyaarta.

“Waxaan rejeynayaa in martida ay ka mahadnaqi doonaan dhaqanka aan u leenahay madaddaalada iyo soo dhaweynteena dhaqamiga ah.

“Kiev waa magaalo noocyo kala duwan ah iyo magaalo Yurub oo fursado iyo dad hibo leh oo uu isbortiga iyo dhaq dhaqaaqyo is dhexgal leh sameeya sanad walba. Kiev wey qurux badan tahay, gaar xagaaga, siiba bisha Maajo.

“Dhammaan martideena waxa ay ku raaxeysan doonaan fiiaalaha Champions League iyo joogidda wanaagsan ee magaaladeena.

“Mar walba ku soo dhawaada Kiev, caasimadda kubadd cagta ee 2018.”

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles