Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Diego Simeone oo ka hadlay kulanka ay la ciyaarayaan Arsenal Semi Final-ka Europa League

$
0
0

(Madrid) 14 Abriil 2018 Tababaraha kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa ka hadlay isku aadkii la sameeyay ee Europa League.

Kooxda tababare Diego Simeone ayaa qoorta loo suray Arsenal Semi Final-ka Europa League, garoonka Arsenal ayaana lagu hormarayaa kulanka lugta hore.

Image result for arsenal vs atletico madrid

Diego Simeone ayaa sheegay inuu sifiican u garanayo awooda kooxaha ingiriiska, wuxuuna cadeeyay in labada kooxoodba ay haystaan fursad ay ku soo bixi karaan.

“Waan garanaynaa kubadda cagta ingiriiska iyo awooda kooxaha ingiriisku ay ku leeyihiin garoonkooda, kulanka hore garoonka Arsenal ayaan ku ciyaaraynaa” ayuu yiri tababare Diego Simeone.

“Waa kulan kala bax ah, sidaas darteed labada kooxoodba waxay haystaan fursad ay ku soo bixi karaan”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles