Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Buffon ma diidana Rigooradii loo dhigay Real Madrid, laakiin maxaa keenay dagaalkii Roosaha lagu siiyay!!??

$
0
0

(Europe) 15 Abriil 2018. Goolhaye Gianluigi Buffon ayaa roose la siiyay dhammaadka ciyaartii mucjisada lahayd ee Champions League looga reebay Juventus kaddib markii uu si waalan uga fal celiyay Rigoore waqtigii dhimashada laga dhigay.

Kooxa reer Talyaani ayaa u muuqatay mid ka soo laabtay natiijadii 3-0 ay Real Madrid uga soo adkaatay lugtii hore ee sideed dhamamadka ee lagu soo ciyaaray dalkooda, balse seeriga oo afka lagu hayo ayaa Los Blancos lagu abaal mariyay Rigoore muran badan dhalisay oo ay ku soo bexeen kaddib markii uu u ansixiyay Ronaldo.

Rugacadaaga reer Talyaani ayaa iminka ka hadlay sheekadaa wuxuuna qiray inuusan dhihin inaysan rigoore ahayn balse wuxuu sheegay in Rigoorada shaki ku jiray.

 Buffon really gets into the face of the English official

“Ma dhahayo Rigooro ma ahayn, waxaan oranayaa uun inuu shaki ku jiray,” Buffon ayaa sidaa u sheegay La Gazzetta dello Sport.

“Dhammaadka ciyaarta oo ay ka harsan tahay 20 ilbiriqsi, garsoore khabiir ah kaa oo durba garsooraya kulamo sare oo ceynkan oo kale ah, Fikir ahaanteyda wuxuu qaadan lahaa go’aan kale.

“Ma ahayn xaalad aad ku dhihi karto waa rigoore Cad oo qayaxan.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles