(Madrid) 27 Abriil 2016. Atletico Madrid iyo Bayern Munich waxa ay caawa isaga hor imaan doonaan lugta hore ee is aragooda Champions League.
Dhinaca Diego Simeone waxa ay badiyeen lixdii kulan ee ugu dambeeysay dhamaan tartamada, halka Pep Guardiola iyo wiilashiisa aan laga badin ilaa iyo Maarso.
Hadafka labada koox ee caawa waa in ay midba tan kale gacanta sare ka yeelato lugta kowaad.
WARARKA LABADA NAADI
Atleti
___ Diego Godin waxa uu ku biiri doona Tiago oo seegaya kulankan, Uruguay-yaanka waxa booday muruq.
___ Lucas Hernandez ayaa ku lamaansanaan doona Gimenez raqabada dhexe ee daafaca Atleti.
___ Fernando Torres waxa uu ka soo laabanayaa ganaax isaga oo weerarka ku wehelin doona Antoine Griezmann.
Bayern
___ Holger Badstuber and Arjen Robben ayaa seegay tababarkii kooxda kahor kulankan ay lugta hore la ciyaarayaan Atleti.
___ Jerome Boateng waxa uu ku soo laabtay tababarka kaddib saddex bilood oo uu maqnaa bale lama filayo in uu Vicent Calderon ka soo muuqdo.
____ Javi Martinez iyo Alaba ayaa la filayaa in ay daafaca dhexe ee Bayern isku weheliyaan caawa.
LA SOCO
___ Atletico lix ka mida sideedii kulan ee ugu dambeeysay Champions League shabaqooda ayey ilaashadeen.
___ Bayern ugu yaraan laba gool ayey dhalinayeen toddobaddii kulan ee ugu dambeeyey lix ka mida.
___ Bayern lagama badalin 7-dii kulan ee ugu dambeeyey Champions League.
SAFAFKA LA FILI KARO
Atletico Madrid: Oblak; Luis, Lucas, Gimenez, Juanfran; Koke, Augusto, Gabi, Saul; Griezmann, Torres
Bayern Munich: Neuer; Alaba, Kimmich, Martinez, Lahm; Alonso; Ribery, Vidal, Muller, Costa; Lewandowski
Gegida: Vicente Calderon
Sacadda Geeska Africa: 9:45Pm
Gool FM.