(Manchester) 27 Abriil 2016. Cristiano waxa uu ku seegay lugtii hore ee afar dhamaadka Champions League dhaawac fudud balse waxa uu sheegay in uu ciyaari lahaa hadii ay kama dambeys ahaan lahayd.
Walow la filayey in uu dheelo kaddib markii uu ka soo kabtay dhaawacii soo gaaray toddobaadkii tagay, weeraryahanka waxa uu ku guul dareystay tijaabo xilli dambe laga qaaday oo taam ahaanshihiisa ku saabsaneyd, xitaa keydka uma suura galin.
Iyada oo aan la rabin in looga daro xaalada, Raonaldo waxa banaanka laga dhigay kulanka isaga oo kaabe uu u noqday Lucas Vasquez.
Weeraryahanka waxa uu u sheegay Antena 3 qeybtii nasashada, “Waa mid dha dhami karta, waxaan sugayaa kulanka xiga. Hadii ay ahaan lahayd kama dambeys, waan ciyaari lahaa.”
Halyeygii hore ee Real, Emilio Butragueno waxa uu u sheegay Bein Sport, “Xanuunkii Cristiano meesha kama bixin kolkaa way wanaagsan tahay in uusan ciyaarin.”
Dhinaca kale, Ronaldo waxa xalay soo dhoweeyey xiddigii hore ee ay Manchester United ka wada tirsanaayeen Owen Hargreaves , iyaga oo is weydaarsaday hadalo muxubo hore ah – rag is waayey wax uun ayaa kala kaxeeyey!
Waxa ay kuwada guuleysteen Champions league 2008 waxaana Moscoe ku soo wada maray habeen xusuus ka mudan.
Dhaliayaha reer Portugal sidoo kale waxa ay kamarada qabatay isaga oo daawanaya muuqaal isaga ah!
Gool FM.