(Madrid) 20 Abriil 2018 Daafaca Real Madrid ee Raphael Varane ayaa u jawaabay dadka jecel in Bayern Munich ay reebto kooxdiisa Real Madrid.
Labada kooxood ayaa ku balansan Semi final-ka Champions League, waxaana soo xoogaysanaya dadka rumaysan in waqtigaan uu yahay kii Real Madrid ay ka hari lahayd Champions League kadib markii ay koobka qaaday labo sano oo xiriir ah.
Balse Varane ayaa u jawaabay dadka aaminsan arinkaas, wuxuuna sheegay in dadkaas ay yihiin kuwo u dul qaadan la’a hormarka kooxdiisa.
“Waa wax iska cad inay jiraan dad badan oo jecel inay arkaan anaga oo guul daraysanayna, taasi shaki kuma jiro laakiin ma ahan kuwo badan, waxaan dareemaynaa jacaylka ay noo haayaan taageerayaasheena, waan ognahay in Real Mdarid ay tahay koox laga jecel yahay adduunka oo dhan” ayuu u sheegay AS daafaca reer France.
“Sanadihii u danbeeyay anaga ayaa ah kooxdii ugu fiicnayd Champions League, dadka qaar uma dul qaadan karaan arinkaas, waxayna doonayaan inaan ka harno koobka”.
“Waan ogahay in dadka qaar ay doonayaan inay guul daro na gaarsiiso Bayern Munich, laakiin waxaan ku adkaysanayaa in dadkaas ay yihiin fara ku tiris waxaa ka badan inta na taageersan”.
Gool FM