(Roma) 21 Abriil 2018 Weerar yahanka kooxda Roma ayaa aad ugu faraxsan go’aankii uu qaatay suuqii Janaayo markaas oo uu iska diiday ku biirida kooxda Blues.
Edin Dzeko ayaa ku guulaystay inuu la gaaro kooxdiisa Roma Semi final-ka Champions League halka Chelsea ay ku hartay wareega 16-ka.
Xiddiga reer Bosnia ayaa sheegay inuu aad ugu farxay go’aankii uu ku diiday Chelsea kadib markii Barcelona ay ka reebtay koobka horyaalada yurub kooxda reer ingiriis.
“Markii aan arkay wixii ku dhaca Chelsea bishii hore (Ka haridii Champions League), xaqiiqdii waan ku farxay inaan doortay sii joogida Roma” ayuu yiri Edin Dzeko.
“Chelsea waa koox wayn, waan faraxsanaa markii aan maqlay inay i doonayaan, laakiin ugu danbayntii waxaan rumaysanahay inaan qaatay go’aankii fiicnaa waayo waxaan doonayay inaan ka sii ciyaaro Champions League”.
“Waxaan doonayay marka hore inaan gaaro Rubuc dhamaadka, waana wax aan horay u dhicin, haatana waxaan joogaa Semi final-ka, waxaan isku dayayaa inaan gaaro Final-ka”.
“Taasi waxay la micno tahay in go’aankii aan ku joogay Roma uu ahaa mid gabi ahaanba aad u saxan”.
Gool FM