Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Robert Lewandowski oo wadnaha jaray Bayern Munich ka hor kulanka Real Madrid

$
0
0

(Munich) 21 Abriil 2018 Weerar yahanka reer Poland ee Robert Lewandowski ayaa wadnaha jaray maamulka Bayern Munich ka hor kulanka Real Madrid.

Sida ay baahisay Marca, Robert Lewandowski ayaa ku wargaliyay wakiilkiisa inuu ku qanciyo maamulka Bayern Munich inay u ogolaadaan inuu ka tagi karo kooxda dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Lewandowski ayaa iska badalay wakiilkiisii gaarka ahaa, wuxuuna wakiil ka dhigtay Pini Zahavi oo ah wakiil xiriir fiican la leh madaxwaynaha Real Madrid ee Florentino Perez.

Xiddiga reer Poland ayaa si wayn u doonaya inuu mar uun xirto funaanada kooxda Real Madrid, wuxuuna haystaa fursad aan markale soo mari doonin.

Real Madrid ayaa si wayn ugu baahi qabta weerar yahan wayn suuqa xaggaaga kadib hoos u dhac ku yimid Karim Benzema iyo Gareth Bale xiliciyaareed kaan.

Robert Lewandowski ayaa doonaya inuu sifiican isku muujiyo kulanka uu ka hortagayo Real Madrid Semi Final-ka Champions League si uu u qanciyo madaxda kooxda boqortooyada Spain.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles