(Roma) 21 Abriil 2018 Kooxda Roma ayaa helaysa akhbaar wanaagsan ka hor kulanka ay talaadada u safri doonto kooxda Liverpool.
Tababaraha kooxda ee Di Francesco ayaa xaqiijiyay in Diego Perotti uu si buuxda uga soo caafimaaday dhaawicii uu qabay.
29 jirkaan reer Argentina ayaa la filayaa inuu kooxda u ciyaaro kulanka ay galabta u safrayso kooxda SPAL ee horyaalka talyaaniga.
Diego Perotti ayaa si buuxda taam ugu ah kulanka talaadada ay Roma u martin doonta kooxda Liverpool lugta hore ee Semi Final-ka Champions League.
“Perotti si buuxda ayuu taam ugu yahay kulanka SPAL, laakiin lama hubo inuu ku soo bilaabanayo ciyaarta iyo inkale waayo ma ciyaarin ilaa bilowgii bishaan April” ayuu yiri tababare Di Francesco.
Gool FM