Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Hadii Ay Roma Gaarto Finalka Champions League, Waxaan Ciyaartoyda Xarunta Kooxda Ugu Sameyn Doonaa….”.

$
0
0

(Serie A) 21 April 2018 Ciyaaryahankii hore xulka qaranka Argentina Gabriel Batistuta ayaa dareensan kalsoonida uu ku qabo in Roma ay awood u leedahay inay guul kaga gaari karto Liverpool kulanka wareega afar dhamaadka ee tartanka Champions League.

Gabriel Batistuta oo isku dayayay sida uu ugu dhiiragalin lahaa ciyaartoyda Roma in ay gaaraan finalka Champions League ayaa soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Instagram-ka sawirka isagoo dubaya hilib.

Batistuta ayaa soo raaciyay qoraal ah: “Haddii ay Roma ku guuleysato inay gaarto finalka Champions League, waxaan imaan doonaa xarunta kooxda, waxaana ku marti qaadi doonaa ciyaartoyda xaflad ay hilbo ku cuni doonaan”

Roma ayaa guul weyn ee muhiim ah kaga soo gaartay Barcelona 3-0 kulankii lugta labaad ee wareega siddeed dhamaadka, iyadoo haatan isku diyaarineysa kulanka ay Liverpool kuwada ciyaari doonaan lugta hore ee wareega afar dhamaadka tartanka Champions League, kaasoo habeenka Talaadada ka dhici doona garooonka Anfield.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles