( Champ’ League ) 24 April 2018. Kooxaha Liverpool iyo Roma ayaa isaga hor imaan doona Ciyaarta lugta kowaad ee afar dhamaadka tartanka Champions league maanta oo talaadaa tasoo ka dhici doonta Gegiga Anfield.
Naadiga England ee Liverpool ayaa labadii is arag ee wareega rubac dhamaadka si awood leh kaga soo baxday kooxda Manchester City, halka Roma iyana ay soo laabasho cajiib ah guul kaga gaartay kooxda Spain ee Barcelona kulankii dambe ee ka dhacay Olimpico.
Ogeysiiska ciyaarta
Tartanka: Champions League
Saacada: 09:45 daqiiqo xiliga geeska afrika
Garsooraha: Felix Brych
Garoonka: Anfield Stadium
Wararka kooxaha
Daafaca Joel Matip ayaa kooxda uga maqnaan doona dhaawac inta ka hartay xili ciyaareedkan, halka Nathaniel Clyne laga yaabo inuu qeyb ka noqdo kulankaan. Balse Emre Can waa mid laga deyriniyo xaaladiisa iyo Adam Lallana oo sidoo kale kabasho dhaawac ku maqan.
Macalin Klopp ayaa nasiyay laacibiintiisa kala ah Roberto Firmino, Andrew Robertson, Trent Alexander-Arnold, Dejan Lovren iyo Alex Oxlade Chamberlain kulankii bar baraha 2-2 ay la galeen naadiga West Brom sabtidii , waxaana dhamaan la filayaa iney safka dib ugu soo laabtaan ciyaartan.
Roma ayaa shaki la’aan cadeysay maqnaasha daafacooda Rick Karsdorp, kaa oo ka kabanaya dhaawac gaaray, halka weeraryahanka Gregoire Defrel laga dabiibayo dhibaato anqawga ah.
Kooxda caasimada talyaaniga ee Roma, ayaa fadhisa kaalinta sedaxaad ee kala sareynta horyaalka Italy waxeyna 18 dhibcood ka dambeyaan hogaamiyaasha Juventus, ayaa dhankooda nasiyay xiddigahooda muhiimka ah kulankii ay 3-0 kaga badiyeen naadiga Spal 2013, waxaana kamid ahaa Aleksandar Kolarov, Alessandro Florenzi, Daniele de Rossi iyo Edin Dzeko.
Xaqiiqooyinka ciyaarta
- Tani waa markii lixaad oo ay tartamada yurub ku kulmayaan kooxaha Liverpool iyo Roma iyo markii ugu horeysay oo tartan yurub isku arkaan tan iyo bishii March sanadkii 2002. Shan mar oo ay hore u kulmeen, Liverpool ayaa badisay labo jeer, labo bar baro ayey galeen halka midna ay badisay kooxda Roma.
- Liverpool ayaa wali ku guuldareysan garoonka Roma tartamada yurub ha ahaado European Cup ama Champions League sedax kulan oo ay ku ciyaartayna mid waa ay badisay labana bar baro, mid kamid ah bar baraha ayaa ahaa finaalkii 1984, mar kasoo Liverpool ay ku adkaatay 4-2 rigoorayaal ah ciyaar ka dhacday gegiga Stadio Olimpico.
- Tani waa markii 10-aad oo ay Liverpool kasoo muuqato wareega afar dhamaadka koobka European Cup ama Champions League – waxeyna wareegan ka gudbeen todoba jeer sagaalkii mar ay horay u ciyaartay, iyadoo labada mar ee lagu reebay Sami-finalka ay guuldaro kala kulantay kooxaha Inter Milan 1964-65 iyo Chelsea 2007-08.
- Kooxda Roma ayaa markii ugu horeysay kasoo muuqatay afar dhamaadka tartan yurub ah muddo 27 sanaa kadib, markaa oo ay wajaheen kooxda Brondby tartanka Uefa Cup sanadkii 1990-91. Kaliya mar qura ay kasoo muuqdeen afar dhamaadka koobka European Cup ama Champions League waxey aheyd xili ciyaareedkii 1983-84, waxaana xiligaas reebtay naadiga Dundee United oo finalka la ciyaartay kooxda Liverpool.
- Liverpool ayaa badin lugta koowaad ee afar dhamaadka tartamada yurub mid walboo kamid ah todobadii mar ay horay usoo gaartay waxaana laga badiyay 3 jeer halka 4 marna ay bar baro gashay , tan iyo guushoodii 4-0 ay kaga adkaadeen naadiga Panathinaikos koobkii European Cup sanad ciyaareedkii 1984-85.
- Reds waxey ka dhalisay xagaagan tartanka 33 gool, waana kooxdii ugu goolasha badneed kooxaha England koobka Champion League hal xili ciyaareed.
- Naadiga Roma ayaa badisay mar kaliya 14-kii ciyaar ay banaanka kusoo ciyaartay tartanka Champions League waana 5 bar baro iyo 8 guuldaraa, tan iyo guushi ay 2-1 kaga soo badiyeen kooxda Qarabag horaantii kal ciyaareedkan.
- Kooxda caasimada ee Roma ayaa sido kale hal mar guuleysatay 19 jeer oo ay u martisay kooxaha England waxeyna kala kulantay 7 bar baro ah iyo 11 guuldaraa, halka guul ay kasoo gaartay waxey Anfield kada badiyeen naadiga Liverpool bishii February sanadkii 2001 koobka Uefa Cup – macalinka hadda maamula kooxda ee Eusebio di Francesco wuxuu ahaa ciyaartaas badal aan la isticmaalin.
- Labo kamid ah sedax ciyaariyahan ayaa ka gacan geestay ugu yaraan todan gool kal ciyaareedkan koobka Champions League waana ciyaartoyda Liverpool ee Roberto Firmino oo 8 gool dhaliyay 4 caawiyay iyo Mohamed Salah oo isna 8 gool dhaliyay 2 caawiyay.
- Laacibka Edin Dzeko ayaa ku lug yeeshay lix kamid ah sideed gool oo ay Roma kusoo dhalisay banaanka tartanka Champions League 5 wuu dhaliyay halka midna uu caawiyay. Weeraryahanka Bosnian ayaa sido kale laba gool ka dhaliyay Liverpool sedax dheel uu kasoo muuqday garoonka Anfield waana xiligii uu kamid ahaa kooxda Man City.
- Mo Salah ayaa gool dhalinayay mid kasta oo kamid ah afartii ciyaar ee lasoo dhaafay koobka Champions league uu safka kooxdiisa kusoo bilaabanayo – kaliya hal ciyaariyahan ayaa shan kulan xiriir ah gool u dhalinayay Reds Champions League wuxuuna ahaa Steven Gerrard intii u dhaxeysay bilihii October ee sanadkii 2007 iyo February 2008.
- Roma ayaa shabaqeeda ilaashan 26-kii kulan ee u dambeysay oo ay banaanka kusoo ciyaartay tartanka Champions League; waana kooxda labaad ee taariikhda aan shabaqeeda ilaashan kulamada banaanka kadib kooxda Celtic, kuwasoo 30 kulan aan shabaqooda ilaalin ciyaaraha ay martida ahaayeen koobka Champions League intii u dhaxesay sanadkii 2001 ilaa 2016.
Gool FM.