(Liverpool) 24 Abriil 2018 Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa digniin u diray Mohamed Salah ka hor kulanka caawa ee Roma.
Liverpool ayaa caawa garoonkeeda ku marti qaadi doonta kooxda Roma kulan ka tirsan lugta hore ee Semi Final-ka Champions League.
Jurgen Klopp ayaa sheegay in daafacyada talyaanigu ay yihiin kuwo aan naxariis lahayn, wuxuuna intaa ku daray in Salah uu soo muujin doono inaysan jirin saaxiibtinimo inta ay socoto ciyaarta.
“Aad ayaan ugu mahadcelinayaa maamulka kooxda Roma sidii ay u hormariyeen qaab ciyaareedka Salah, haatan halkaan ayuu joogaa anaga ayuuna noo ciyaarayaa” ayuu yiri tababaraha Liverpool ka hor kulanka caawa.
“Daafacyada talyaanigu waxay caan ku yihiin naxariis daradooda inta ay socoto ciyaarta, Salah si fudud ayuu ku ogaan doonaa inaysan ahayn saaxiibadiis, markaas jawaab ayuu siin doonaa”.
Gool FM