Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Arjen Robben oo fariin jees jees ah u diray Ronaldo ka hor kulanka arbacada

$
0
0

(Munich) 24 Abriil 2018 Laacibka garabka weerarka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Arjen Robben ayaa fariin kulul u diray Ronaldo.

Bayern Munich ayaa marti qaadi doonta habeen dambe kooxda difaacanaysa Champions League lugta hore ee Semi Final-ka koobka.

Image result for Arjen Robben Ronaldo

Arjen Robben ayaa u sheegay Ronaldo inuu daalay isla markaana la joogo waqtigii Final-ka Champions League uu ka daawan lahaa gurigiisa.

“Cristiano Ronaldo koobab badan ayuu ku guulaystay xirfadiisa, haatan wuxuu u qalmaa inuu nasto oo Final-ka Champions League uu ka daawado gurigiisa” ayuu yiri Arjen Robben.

Hadalka Arjen Robben ayaa imaanaya xili Ronaldo uu u gacan galiyay Real Madrid koobka horyaalada yurub labadii sano ee u danbeeyay.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles