Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Atletico Madrid oo waynaysa laacib muhiim ah kulanka Arsenal

$
0
0

(Madrid) 24 Abriil 2018 Atletico Madrid ayaa helaysa akhbaar aad u xun ka hor kulanka ay u martin doonto khamiista kooxda Arsenal.

Kooxda reer Spain ayaa xaqiijisay inay dhaawac ku waynayso daafacooda Juanfran kulanka ay u safrayaan khamiista kooxda Arsenal.

33 jirkaan reer Spain ayaa ku dhaawacmay kulankii Atletico Madrid ay 0-0 la gashay axadii kooxda Real Betis markaas oo dhaawac looga saaray garoonka.

Atletico Madrid ma shaacin waqtiga rasmiga ah ee Juanfran uu uga soo kaban karo dhaawacaan soo gaaray, balse wuxuu u baahan karaa ilaa 10-maalin taas oo ka dhigan inuu seegi doono kulanka khamiista.

Juanfran ayaa kula biiraya Diego Costa oo isna dhaawac qaba ciyaartoyda seegaya kulanka lugta hore ee Semi Final-ka Europa League.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles