(Europe) 03 Maajo 2018. Liverpool ayaa xalay u soo baxday Final ka Champions League iyadoo ay jirto in looga adkaaday 4-2 oo waxaa caawiyay inay lugtii hore ee Semi Final ka ku soo badiyeen 5-2.
Intii ay dabaal degayeen xiddigaha Liverpool ayaa la arkayay iyagoo sita Boor uu ku qoran yahay Sean Cox.
Sean Cox waa taageere Irish ah kaa oo ay si xun u dhaawaceen qaswadayaasha Roma ka hor lugtii hore ee ka dhacday England.
Wuxuu iminka ku jiraa ‘Coma’ oo xaaladiisa aad ayay khatar u tahay.
Xiddigaha Liverpool ayaa go’aansaday inay soo qaataan Boor uu ku qoran yahay Taageeraha isla markaan ay soo raaciyeen ‘You’ll Never Walk Alone’ oo micno ahaan markaan keeni karta kaligaa ma dhibtooneysid ee waan kula qeybsaneynaa.
Liverpool ayaa Finalka ku wajihi doonta Real Madrid oo u tafo xeedaneysa inay Champions League ku guuleysato sanadkii saddexaad oo xiriir ah.
Gool FM.