(Liverpool) 16 Maajo 2018. Kooxda Liverpool ayaa u safartay dalka Spain maalmo ka hor kulankeeda Final-ka Champions League.
Reds ayaa saakay u duushay Magaalada Marbella ee dalka Spain si ay tababar ugu soo qaataan cimillada diiran ee halkaas, ka hor kulankooda Final-ka Champions League.
Liverpool ayaa 26-ka bishan May kulankeeda Final-ka Champions league naadiga Real Madrid kula dheeli doonta Magaalada Kiev ee Waddanka Ukraine.
Xiddiga ka dhaawacnaa kooxda Liverpool ee Emre Can ayaa safarkaan ka qeyb qaatay oo kooxda inteeda kale u raacday Spain, iyadoo ay soo ifeyso rajada uu ka qabo ka qeyb-galka kulanka Final-ka Champions League.
SAWIRRO:
Gool FM.