(Man United) 16 Maajo 2018. Halyayga kooxda Manchester United Gary Neville ayaa wuxuu muujiyay waxa uu rajeenayo in ay dhacaan kulanka finalka Champions League ay wada ciyaari doonaan kooxaha Real Madrid iyo Liverpool.
kooxaha Real Madrid iyo Liverpool ayaa ku balansan 26-ka bishan May, magaalada Kiev ee caasimada dalka Ukraine, kadib markii ay kasoo kala gudbeen kooxaha Bayern Munich iyo Roma.
Hadaba kabtankii hore kooxda Manchester United Gary Neville ayaa wuxuu yiri: “Waxaan ku jirnaa rajo ah in Manchester United ay ku guuleysato FA Cup, isla markaana uu saaxiibkeen Cristiano Ronaldo uu dhaliyo goolasha saddexleyda ah”.
“Hagaag, Liverpool waxay gaartay finalka Champions League, balse waxaan doonayaa inay guuldareystaan kulanka finalka”.
Dhinaca kale Gary Neville ayaa wuxuu ka hadlay isbarbar dhiga xili kasta lagu sameeyo macalimiinta Pep Guardiola iyo jose Mourinho wuxuuna kaga jawaab ciliyay.
“Haddii Pep uu ku guuleysto markale horyaalka dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda, waxa ay noqon doontaa dhibaato weyn muddo seddex xilli ciyaareed ah ee ku aadan jose Mourinho”.
“Laakiin haduu uu jose Mourinho ku guuleysto xili ciyaareedka soo aadan, waxaad dhihi doontaan Jose wuxuu qabtay shaqi fiican, xilliga xiga wuxuu noqon doonaa mid xiiso badan”.
Gool FM.