(Champions League) 17 Maajo 2018. Michael Owen ayaa sheegay in Real Madrid ay tahay kooxda ugu cad cad ee markii saddexaad ku guuleysan karta tartanka Champions League.
Halyayga Liverpool ayaa wuxuu dhinaca kale sheegay in Reds ay dhankeeda fursad u heli karto in koobkan ay kaga guuleysato kooxda difaacaneysa ee in Real Madrid.
“Liverpool waxay qaab ciyaareed fiican ku hor qaadataa kooxaha waaweyn, waxaan filayaa in kulanka uu noqon doono mid aad u xiiso badan, goolal badana leysaga dhalin doono”.
“Laakiin Real Madrid ayaa ah kooxda ugu cad cad ee ku guuleysan karta Champions League, sababtoo ah Real waxay dooneysaa inay ku guuleysato markii saddexaad xiriir ah shaki la’aan”,
Kooxaha Liverpool iyo Real Madrid 26-ka bishan May finalka tartankan Champions League, kaasoo lagu balansan yahay inuu ka dhaco mag.aalada Kiev ee dalka Ukraine.
Gool FM.