(Liverpool) 18 Maajo 2018 Liverpool ayaa sii diyaarisay qaabkii kooxdu ay ula dabaal dagi lahayd taageerayaasha haddii ay ku guulaysato Champions League.
Kooxda tababare Klopp ayaa haysata fursad wayn oo ay xiliciyaareed kaan ku qaadi karto koobka horyaalada yurub.
LiverpoolEcho ayaa baahisay qorshaha kooxda ee haddii ay hanato koobka, in kabadan 10-kun oo taageerayaasha Liverpool ah ayaa soo istaagi doona wadooyinka magaalada maalinta ka danbaysa Final-ka.
Ciyaartoyda oo durba ka soo laabanaya magaalada Kiev ayaa lagu qaadayaa bas kor ka banaan iyaga oo wata koobkii ay soo qaateen.
Waxayna si wayn ula dabaal dagi doonaan taageerayaasha, kooxda ayaa soo bandhigtay qariirada jidka kooxdu ay mari doonto iyo halka uu ku ekaan doono dabaal daga baska qaadi doona ciyaartoyda.
Gool FM