(Champions League) 18 Maajo 2018. Halyayga Xulka Qaranka England Michael Owen Oo Sheegay In Finalka UEFA Champions League Lagu Go’aamin Doono Xidiga Ku Guuleysan Doono Abaal Marinta Ballon d’Or.
Michael Owen ayaa sheegay in Messi iyo Ronaldo ay markale u qalmaan xili ciyaareedkan markale ku guuleysiga abaal marinta Ballon d’Or, kadib wax qabadkooda xili ciyaareedkan.
Meesi iyo Ronaldo ayaa sanooyinkii lasoo dhaafay si joogta ah ugu soo guuleesanayay abaal Marinta Ballon d’Or, laakiin markan waxay u muuqdaan kuwo kasii baxaya kubada cagta
Michael Owen ayaa yiri: “Waxaan qabaa in Ronaldo iyo Messi ay qeyb ka qaateen in kubada cagta ay si xoogan isku badasho”.
“Waxaa laga yaabaa in haatan ay jiraan xidigo ku dhow heerka ay gaareen, sababtoo ah da’adoodo waa ay sii weynaatay, laakiin tobankii sano ee la soo dhaafay, Messi iyo Cristiano waxay in badan ka sarreeyeen dhamaan ciyaartoyda kale”.
“Xidiga ku guuleysta tartanka Champions League ayaa ku guuleysan doona abaal marinta Ballon d’Or, hadii ay Real Madrid ku guuleysato marka saddexaad ee xidhiidh ah tartankan Cristiano Ronaldo ayaa markaas ku guuleysan doona”.
Si Kasba kooxaha Liverpool iyo Real Madrid ayaa xili ciyaareedkan 2017/2018 ku balansan finalka Champions League 26-ka bishan iyadoo labada xidig xili ciyaareedkan ugu cad cad ku guuleysiga Ballon d’Or ay noqon karaan Mohamed Salah iyo Ronaldo hadii uu midkood kaga guuleysto kan kale finalka UCL.
Gool FM.