(Madrid) 18 Maajo 2018. Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in Cristiano Ronaldo uusan taam buuxa u ahayn kama dambeysta Koobka horyaalladda Yurub, waxaana uu shaaca ka qaaday Weeraryahanka reer Portugal uu 120% uu taam buuxa u yahay Final-ka Champions League.
Ronaldo ayaa shaki laga galinayey inuu taam buuxa u noqon karo kulanka kooxdiisa Real Madrid ay 26 bishan May wajahayso Liverpool, kaddib markii uu dhaawac Canqowga ah uu soo gaaray kulankii barbaraha 2-2 ku dhammaaday ee ay la geleen Barcelona.
33-sano jirkaan ayaa si caadi ah tababarka kooxda ugu qeyb qaatay maalmihii dhawaa ee la soo dhaafay, yeelkeede macallin Zidane ayaa ku faraxsan taam ahaanshaha xiddigiisa, isagoo aaminsan in Cr7 uu horumar ka sameyn doono kulanka Final-ka Champions League ee ka dhici doona Magaalada Kiev.
“Laga yaabaa waqti xaadirkaan inuu 120% taam yahay, isagu waa fiican yahay, haddii Cristiano 120% taam yahay taasi waa mid aniga ii fiican.” ayuu Zidane u sheegay Suxufiyiinta.
Macallin Zidane ayaa sidoo kale farxad ka muujiyey bandhigga xiddigiisa Gareth Bale, kaasoo isna la filayo inuu ka qeyb qaato kulanka ay wajahayaan Liverpool.
“Waxaan dhihi karnaa waa uu soo fiicnaaday, maxaa yeelay goolal ayuu dhaliyey, laakiin tababarkana si wanaagsan ayuu uga qeyb qaatay.” ayuu markale yiri Ninka reer France isagoo ka hadlayey xaaladda Bale.
Waxa uu Zidane intaa ku daray: “Tan ugu muhiimsan waa in la arko in qofkasta uu ku jiro qaab jir ahaaneed oo fiican, taasi waa waxa aan danaynayo.”
Real Madrid ayaa Sabtida la ciyaari doonta Villarreal kulankooda ugu dambeeya horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan, iyagoo weli indhaha ku haya inay ku dhammaystaan kaalinta labaad ee horyaalka.
Gool FM.