Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Dejan Lovren oo sheegay inuu xiriir la sameeyay labo xiddig oo ka tirsan Real Madrid ka hor Final-ka Champions League

$
0
0

(Liverpool) 19 Maajo 2018 Daafaca kooxda Liverpool ee Dejan Lovren ayaa daaha ka qaaday inuu la xiriiro laba xiddig oo ka tirsan Real Madrid.

Dejan Lovren ayaa sheegay inuu xiriir si joogto ah ula sameeyo ciyaartoyda u ciyaara Real Madrid ee ay isku dalka yihiin sida Luka Modric iyo Mateo Kovacic.

Wuxuu ku faanay in dalkiisa oo ah mid aad u yar uu sanad walba ku leeyahay ugu yaraan hal laacib Final-ka Champions League.

Image result for Lovren Champions League

“Waxaan la xiriiraa asxaabtayda aan isku dalka nahay ee Modric iyo Kovacic kuwaas oo u ciyaara Real Madrid” ayuu yiri daafaca Liverpool ka hor Final-ka Champions League.

“Waa guul cajiib ah oo u soo hoyatay dalkeyga Croatia kaas oo dadkiisu aysan ka badnayn 4-milyan oo qof maadaama sanad walba aan ku leenahay ugu yaraan hal laacib kulanka Final-ka”.

Dejan Lovren ayaa sheegay in shacabka reer Croatia ay si wayn u daawan doonaan kulanka Final-ka, wuxuuna intaa ku daray inay jiri doonaan dad u badan doona dhankiisa maadaama uusan waligiis ku guulaysan Champions League halka labada laacib ee kale ay horay ugu guulaysteen.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles