(England) 20 Maajo 2018. Kabtanka kooxda Liverpool Jordan Henderson ayaa daaha ka rogay Qiso damqasho leh oo ku aadan Aabihii oo Cunaha Kansar uga dhacay.
Aabaha dhalay xiddiga qadka dhexe ee reer England ayaa iminka ka soo kabtay Kansarka ku dhacay isla markaana u safri doona Kiev si uu u daawado Wiilkiisa marka ay Liverpool Final ka Champions League la ciyaari doonto Real Madrid.
2013 ayay ahayd markii Brian Henderson laga helay Kansarka Cunaha.
Henderson ayaa qisadan ka sheekeeyay mar uu u waramayay warsidaha Daily Mail wuxuuna sheegay inuu raganimo ka qaaday xanuunka aabihiis.
“Raganimo ayaan ka qaaday wixii uu aabahey maray.
“Waxaan iri in kubbada cagta ay wax kasta ii tahay aniga laakiin marka ay dhacaan waxyaabaha ceynkaa oo kale ah, waxaad ogaaneysaa inay jiraan waxyaabo kale oo aad muhiim u ah marka laga tago kubbada cagta.
“Waqtigaas si adag ayaan u qaatay midaa, naxdin ayay ahayd maxaa yeelay weligeey horey ulama tacaalin waxyaabo sidaa oo kale ah.
“Wuxuu ahaa nin farxad badan mana uusan dooneyn inaan arko isaga markii la daweenayay sida uu u ekaaday darteed.
“Waan ogaa in waxa kaliya aan sameyn karo, wadada kaliya aan ku caawin karo isaga inay ahayd inaan si fiican u ciyaaro maxaa yeelay waan ogaa inuu daawanayo kulamadeena.
“Waxaan doonay inaan si fiican u ciyaaro si aan aabahey ugu caawiyo inuu markale caafimaado haddii aan sameyn karana midaa, waxaan ku ciyaari karaa xaalad kasta.
Gool FM.