(Italy) 21 Maajo 2018. Inter Milan ayaa xalay ciyaar waali ahayd ugu soo baxay Champions League kaddib markii ay ciyaar soo laabasho leh 3-2 uga adkaatay Lazio oo ay booska isku heysteen.
Nerazzurri ayay guusha uga dhigan tahay inay u soo baxday koobka dhaga waynaha markii ugu horreysay lix sano kaddib.
Kabtanka Inter Milan oo dhaliyay mid ka mid ah goolasha ay ku adkaatay kooxdiisa ayaa ciyaarta kaddib yiri.
“Lazio si fiican ayay u ciyaartay, waxaan muujinay awood iyo rabitaan si aan natiijada dhanka kale ugu rogno. Waan sameynay.
“Bartilmaameedkeena ayay ahayd midan. Kooxda waxay ku jirtay qaab fiican, ciyaartu kuma socon wadada saxda ah, balse waxaan muujinay awood waxaana ku so celinay wadada saxda ah.
“Waxaan guushan u hibeeyay saaxiibadeyda kooxda, maxaa yeelay waxaan dhammaan aaminsaneyn hadafka, laga soo bilaabo ciyaartodayda, shaqaalaha maaliyadaha iyo masaajatooreyaasha. Tani waa abaal marin aan leenahay dhammaanteen iyo shaqadeena adag maxaa yeelay waan u qalannay.”.
Gool FM.