Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

6-sano kaddib Inter Milan way timid…..(Ka bogo Qormo Gaaban oo ku aadan Taariikhdeeda Champions League)

$
0
0

(Italy) 21 Maajo 2018. Inter Milana ayaa Lix sano kaddib xalay ugu dambeyn u soo baxday koobka Champions League kaddib ciyaar mucjiso ahayd oo ay 3-2 uga adkaadeen kooxda Lazio oo ka horreysay.

Haddaba halkan ka eeg Taariikh kooban oo ku aadan Inter kaddib markii ay is keentay koobka dhaga waynaha markii ugu horreysay tan iyo 2012.

Inter Milan waxay koobkan ku guuleystay 3-jeer sanadihii kala ahaa 1964, 1965 iyo 2010.

Waxay kaalinta labaad gashay labo sano 1967 iyo 1972.

Inter waxay guud ahaan tartankan ciyaartay 166-kulan.

Waxay adkaatay 82-kulan waxaana laga adkaaday 40-kulan halka ay bar baro gashay 44-kulan.

Internazionale waxay Champions League ka dhalisay 239-gool halka iyana laga dhaliyay 158-gool.

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles