Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Rio Ferdinand oo kaga digay Liverpool halista kaga imaan karta Cristiano Ronaldo

$
0
0

(Champions League) 21 Maajo 2018. Difaacii hore kooxda Manchester United Rio Ferdinand ayaa kaga digay Liverpool halista Cristiano Ronaldo, kulanka ay ku wada ciyaari doonaan Real Madrid finalka Champions League

Kulan dhexmari doona Liverpool iyo Real Madrid ee finalka Champions League xilli ciyaareedka 2017/2018, ayaa wuxuu ka dhici doonaa 26 bishan May magaalada Kiev ee caasimada dalka Ukraine.

Rio Ferdinand oo la hadlayay difaacyada kooxda Liverpool ayaa yiri: “Difaacyada Liverpool waa inay ogaadaan cida ay kaga hor imaan doonaan weerarka kooxda Real Madrid, wuxuu noqon doonaa Cristiano Ronaldo kaasoo dhaliya 50 gool xilli ciyaareed kasta”

“Ma jirto qof ka sameyn kara waxa uu ka sameeyay Cristiano Ronaldo horyaalada waaweyn ee yurub, waxaa jira weeraryahano ku dhibtooda kubad la’aanta in ay wax sameeyaan, laakiin isaga wuu ka duwan yahay”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles