(Liverpool) 21 Maajo 2018. Liverpool ayaa heshay war aad u wanaagsan kahor inta aan la gaarin kulanka finalka Champions League ay kula ciyaari doonto kooxda Real Madrid, maalinta sabtida ee soo aadan.
Reds ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxda xidigeeda reer Germany Emre Can ka dib markii uu maqnaa labo bilood. Soo laabashadiisii ayaa siin doona Jurgen Klopp fursado badan, ee dhanka khadka dhexe ah maadaama uu sidoo kale ka maqan yahay Chamberlain.
Laakiin Jurgen Klopp ayaa wali si xoogan kaga taxadiraya fursada uu Emre Can kaga qeyb gali karo finalka Champions League ee ka dhici doona 26 bishan May magaalada Kiev ee caasimada dalka Ukraine.
Klopp ayaa sheegay: “Waxay ku xiran tahay sida uu uga jawaab celiyay, laakiin ii ogolaada inaan idin sheego in mudo lagao joogo 10 maalin kahor aanan ku fikirin inuu sameyn doono waxa uu maanta sameeyay, laakiin waan arki doonaa waxa dhaca”.
Gool FM.