(Liverpool) 21 Maajo 2018 Daafaca Liverpool ee Dejan Lovren ayaa faah faahin ka bixiyay sida kooxdiisu ay u celin doonto Cristiano Ronaldo Final-ka Champions League.
Dejan Lovren ayaa sheegay in Ronaldo uu yahay laacib ciyaarayay kulamadaan waa wayn 12-sano, wuxuuna cadeeyay inuu yahay xiddig ay adag tahay in la celiyo.
Balse qorshaha Liverpool ayuu ku sheegay inuu yahay in si wada jir ah ay u celiyaan Ronaldo isla markaana isagu uu diyaar u yahay shaqadiisa gaarka ah ee ah inuu celiyo xiddiga reer Portugal.
“Ronaldo? 12-sano ayuu ciyaarayay kulamadaan oo kale, xiliciyaareed walba ugu yaraan 30-gool ayuu dhaliyaa xitaa marka xiliciyaareed liita uu ku jiro” ayuu yiri Dejan Lovren.
“Aad ayeey u adkaan doontaa celintiisa laakiin waa inaan si wada jir ah u shaqaynaa ka koox ahaan si aan u celino Ronaldo, si dhab ah ayaan u shaqaynaynaa, aniguna wax walba diyaar ayaan u ahay”.
Gool FM