Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Kabtanka Real Madrid oo Daaha ka rogay sida ay ku joojin doonaan Maxamed Saalax iyo Roberto Firmino Finalka Champions League

$
0
0

(Europe) 21 Maajo 2018. Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa Daaha ka rogay sida ay Final ka Champions League ku joojin doonaan labada weeraryahan ee Liverpool Mohamed Salah iyo Roberto Firmino.

Xiddiga reer Masar ayaa ku jira qaab ciyaareed shidan isagoona dhaliyay 44 gool 51 kulan uu kal ciyaareedkan ciyaaray halka uu wiilka reer Brazil dhaliyay 27-gool oo 11 ka mid ah uu ka dhaliyay tartanka Champions League.

Kabtan Sergio oo ka hadlaya qorshaha ay u dageen labadan laacib ayaa yiri:

Natiijada sawirka Firmino, Mohamed Salah and Sergio Ramos

“Waan ognahay inay yihiin kuwa adag oo naga soo horjeeda. Waa weeraryahano dheereeya oo dhabtii ku dhaawici kara.

“Firmimo iyo Salah waa weeraryahano dheereeya kuwaa oo ay adag tahay in la fahmo, sidaa darteed waxaan isku dayi doonaa inaan xakameyno aana hubino inaysan heysan mid ka mid ah maalmahooda aan caadiga ahayn maxaa yeelay xaqiiqdii way ku dhaawici karaan

“Liverpool aad ayay u fiican yihiin farsamo ahaan waxaana ka buuxa xawaare laakiin waxaan isku dayi doonaa inaan ku dhaawacno ciyaartoydeena kuwaa oo leh sifooyinkaas oo kale waxaan uga faa’iideysan doonnaa kubbadaha rogaal celiska ah.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles