(Liverpool) 21 Maajo 2018 Halyeeyga Liverpool ee Steven Gerrard ayaa fariin u diray ciyaartoyda haatan difaacaya funaanadii uu soo difaacayay muddo sanado ah.
Liverpool ayaa haatan taagan Final-ka Champions League oo ay ugu danbaysay 2007 markaas oo ay ka qaaday AC.Milan.
Steven Gerrard ayaa fariin taan culus u diray ciyaartoyda Liverpool ka hor kulanka Final-ka ee Real Madrid, wuxuuna yiri:
“Orda oo ku soo dhaga koobka, ka faa’idaysta waqtigii aad dadaalka ku soo bixiseen, orda oo naftiina ku abaal mariya safarkii aad u soo gasheen kooxdaan darteed”.
“Waa inaad ciyaarta ku soo gashaan kalsooni, meeshaan fog ayaad gaarteen waa inaad masuuliyad isku saartaan inaad tihiin ciyaartoyda Liverpool, amaan ayaad ku heli doontaan meesha aad haatan gaarteen, laakiin dad badan ma xusuusan doonaan haddii aadnaan ka gudbin xariijinta oo aadnaan qaadin koobka”.
“Arinku waa mid adag laakiin isku day in is diyaariskaagu uu yahay mid la hubo, seexo oo cun cunto waafaqsan habka caafimaadka, wax walbo sifiican ayeey u soconayaan markaas”.
“Arinku waa mid adag marka laga fiiriyo ciyaarta mugeeda, waa kulankii ugu waynaa ee aad ciyaari lahayd adiga oo ah laacib ka tirsan Liverpool”.
Gool FM