(Champions League) 22 Maajo 2018. Macalinka xulka qaranka Weles ahna halyayga kooxda Man United Ryan Giggs ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu doonayo in Real Madrid ay xili ciyaareedkan ku guuleysato Champions League.
Kooxda Real Madrid iyo Liverpool ayaa ku balansan finalka Champions League sabtida soo aadan in ay ku wada ciyaaraan magaalada Kiev ee dalka Ukraine.
Halyayga Man United Ryan Giggs oo wax laga weydiiyay in uu door bidayo in Real Madrid ay kaga guuleysato Liverpool Champions League ayaa si cad u sheegay in uu sidaas rajeenayo in ay dhacdo.
“Ma doonayo inaan ka hadlo, laakiin waxaan rajeynayaa in sidaas ay dhacdo”.
“Waxaan u soo ciyaaray kooxda Manchester United muddo fog, Liverpool waxay aheyd kooxda ugu adag aan lasoo ciyaarnay, sababtoo ah waa koox taariikh weyn leh”.
Gool FM.