Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Waan ka fiicanahay Liverpool”– Cristiano Ronaldo

$
0
0

(Madrid) 22 Maajo 2018 Cristiano Ronaldo ayaa ka hadlay kulanka kama danbaysta ah ee kooxdiisu ay la ciyaarayso sabtiga Liverpool.

Laacibka reer Portugal ayaa sheegay in Liverpool ay tahay koox xoogan balse wuxuu cadeeyay in kooxdiisu ay ka fiican tahay.

Wuxuu xaqiijiyay inuu si buuxda taam u yahay isla markaana kooxdiisa laga doonayo inay samayso taariikh aan wali horay loo samayn oo ah ku guulaysiga Champions League 3-mar oo xiriir ah.

Ronaldo oo waraysi bixiyay ka hor kulanka Final-ka ayaa yiri:

“Joogitaanka Liverpool ee Final-ka wuxuu cadaynayaa awoodooda, laakiin sidaan rumaysanahay anaga ayaa ka fiican, waa inaan kalsooni muujinaa isla markaana waa inaan taxadar samaynaa”.

“Final-ku waa munaasabad cajiib ah, Liverpool waxay joogtaa Final-ka waayo waa u qalantaa, Liverpool waa koox fiican, anigu waxaan ku jiraa xaalad wanaagsan, taariikh ayeey ahaan doontaa haddii aan guulaysano”.

“Waan ku kalsoonahay naftayda, xaalad fiican ayaan ku jiraa, sidoo kale asxaabtayda, Champions League waa tartan gaar u ah kooxdaan iyo anigaba, si aad ugu guulaysato waa inaad ka adkaataa kooxaha ugu fiican”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles