(Real Madrid) 22 Maajo 2018. Xidiga Real Madrid ee Raphael Varane ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in kooxdiisa Los Blancos ay eeganeyso in ay halkeeda ka sii wado sameynta taariikhihii ay horey u soo sameesay, sababa la xiriira in markii saddexaad xiriir ah ay gaartay finalka UEFA Champions League.
Varane ayaa xiiseenaya in Real Madrid ay markii 13-aad ee taariikhdeeda ay ku guuleysato tartanka UEFA Champions League, isagoo tilmaamay dhinaca kale in kulanka ka dhici doona magaalada Kiev ee dalka Ukraine uusan noqon doonin mid sahlan, balse si buuxda ay ugu diyaar garoobeen.
“Waxaan sameynay taariikh waxaanan dooneynaa inaan sii wado sidaan, Inaan ku guuleysto hal koob ee Champions League ah waa arin weyn, lakiin seddex jeer isku xigta ee Champions League ah ayaa noqon doona arin taariikh ah”.
“Waxaan isku diyaarineynaa kulan aad u wanaagsan, waan ognahay in kulanka uusan sahlaneyn, waa in si fiican diirada u saarna, shaqo fiican ayaan qabanay, diyaar ayaan u nahay kulankeena ugu muhiimsan ee xili ciyaareedka”.
Waxaa xusid mudan in Real Madrid ay ka qeyb qaadaneyso finalkii saddexaad ee xiriir ah ee tartanka UEFA Champions League, kadib markii ay kusoo guuleysatay labadii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay oo ay kaga soo guuleysatay kooxaha Atletico Madrid 2016, iyo Juventus 2017.
Gool FM.