Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Jordi Alba oo ka careysiiyay Real Madrid, kadib markii uu sheegay sida uu u jecel yahay in Liverpool ay ku guuleysato Champions League.

$
0
0

(Barcelona) 24 Maajo 2018. Difaaca kooxda Barcelona Jordi Alba ayaa wuxuu si cad u sheegay in kulanka finalka Champions League uu taageeri doono kooxda reer England ee Liverpool.

Jordi Alba ayaa sheegay inuu ku biirayo liiska taageerayaasha kooxda Liverpool kulanka Sabtida ka dhici doona caasimada dalka Ukraine ee Kiev, wuxuuna xaqiijiyay in uu guuldaro u rajeenayo Real Madrid kulan kasta ay ciyaareyso.

“Waxaan leenahay xiriir aad u wanaagsan inkastoo aan mar walba la kulmo ciyaartoyda Real Madrid, laakiin waxaan wali xiiseenayaa inay guuldareystaan”.

“Waxaan ugu hambalyeeyay u soo gudbidooda finalka Champions League”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles