(Real Madrid) 25 Maajo 2018. Sergio Ramos ayaa kasoo hor muuqday saxaafada, kahor kulanka habeen dambe ee finalka Champions League ay kula ciyaari doonaan kooxda Liverpool, wuxuuna ka jawaabay dhowr su’aalo ee wax laga weydiiyay.
Ramos ayaa ugu horeyn shirkiisa jaraa’id kaga hadlay: “Munaasabadan, marwalba waxaa jira waxyaabo kale oo dheeraad ah, kooxdan waa mid sharaf leh, waxayna u ooman tahay inay ilaashato guulaheeda, waxay ii tahay sharaf inaan difaaco kooka iyo taariikhda kooxda”.
“Mar walba ay tartamayaashu fiican yihiin, waa mar walba ay guusha qiimo badan tahay, waxaan kasoo gudubnay kooxo waaweyn, hadana waxaan dooneynaa in finalka aan ku garaacno koox aad u wanaagsan uu hogaaminayo macalin fiican”.
“Aniga ahaan bari waxay ii tahay finalkeygii iigu horeeyay Champions League, mana jecli inaan gadaal eegno, waxaa jiri doona wakhti, waana in lasoo gaba gabeeyo”.
“Waxaa jira ciyaartoy bixiya xilli ciyaareed wanaagsan, kadibna dib dambe looma arko. Ma jiro ciyaaryahan sida Messi ama Cristiano, laakiin Salah waa ciyaaryahan weyn. Wuxuu doonayaa inuu kulankan isku muujiyo, waxaana bari u rajeenayaa wanaag”.
Gool FM.