(Kiev) 26 Maajo 2018. Xidigii hore xulka qaranka Masar Mohamed Aboutrika ayaa wuxuu xaqiijiyay in waxa uu ku sameeyay difaaca kooxda Real Madrid Sergio Ramos xidiga ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Mohamed Salah ay tahay mid ku tala gal ah
Mohamed Salah ayaa garoonka ka baxay daqiiqadii 28aad ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray dhanka garabka bidix, ka dib markii uu daafaca Real Madrid Sergio Ramos ay isku dhaceen daqiiqadii 25aad ee ciyaarta.
Mohamed Aboutrika oo kulankan falaqeeya ka ah ayaa wuxuu sheegay: “Ciyaaryahanka Real Madrid Sergio Ramos si ula kac ah ayuu u dhibaateeyay Mohammed Salah, waana wax aad u xun”
“Waxa uu sameeyay Sergio Ramos waa dambi weyn, wuxuu si ula kac ah u qabsaday gacanta Salah, waxa kaliya aan la yaabay ayaa ah inuusan garsoorka waxba ka dhihin dhacdadan”.
Gool FM.