( Merseyside ) 28 Maajo 2018. Boliiska Gobolka Merseyside ayaa sheegay inay ka war heleen hanjabaadyo dil oo loosoo diray goolhayaha Liverpool Loris Karius kadib qaladaadkii uu sameyay finalka Champions League.
Gaalhayan reer Jarmal ee 24 jirkaa iyo qoskiisa ayaa loogu hanjabay dil kadib markii uu ka caawiyay laba gool kooxda Real Madrid kulankii kiev oo ay 3-1 ku garaaceen Liverpool sabtidii.
Karius wuxuu ahaa mid ilmenayay markii ay dhamaatay dheesha isagoo ka raali galiyay taagerayaasha qaladaadkii uu sameyay.
“Waxaaynu ka qaadanaa baraha bulshada hadalada aadka u culus. Dambiyadana waan baari doonaa,” ayay yiraahdeen Boliiska.
“Saraakiisha waxay ka warqabaan dhowr faallooyin iyo hanjabaadyo lagu sameeyo warbaahinta bulshada.
“Boliiska Merseyside waxay jecel yihiin in ay xasuusiyaan dadka isticmaala baraha bulshada marka loo eego wixii dembiyo ah oo ay ku jiraan xiriirka xun iyo hanjabaadyo in la baari doono.”
Goolhayahan Jarmalka ayaa u hadiyeeyay weeraryahanka Real Karim Benzema in si fudud uu ku dhaliyo goolka furitnaaka cayaartii kiev ee habeenimadii sabtida.
Intaa kadib Karius wuxuu awood u yeelay waayay inuu xakameyo dabar xoogan oo ka timid Gareth Bale taaso kooxda Spain u xaqiijisay hanashada koobka Champions League markii seddaxaad oo xariir ah.
Maalintii axada, ayuu soo dhigay barah bulshada hadal raali galinka: “Aad ayaan uga xumahay saaxiibadeyda, taageerayaasha, iyo dhamaan shaqaalaha.”
Gool FM.