(Liverpool) 28 Maajo 2018 Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa si daran khamri u cabay kadib guul daradii xanuunka badnayd ee ka soo gaartay Real Madrid.
Wuxuu ahaa Final-kiisii 6-aad ee uu guul daraysto Jurgen Klopp koobabka kala duwan, waana Final-kiisii labaad ee uu guul daraysto Champions League kadib 2013 oo ay ka qaaday Bayern Munich.
Jurgen Klopp at 6am this morning. What a man.
pic.twitter.com/lrm22OVzRr
— Oliver Bond (@Oliver__Bond) May 27, 2018
Klopp ayaa la caweeyay habeenkii qaar badan oo kamid ah taageerayaasha Liverpool oo uu la gaaray ilaa 6-da subaxnimo, wuxuuna kadib ka soo muuqday muuqaal laga dareemayay inuu cabsanyahay markaas oo uu sheegay in Real Madrid ay nasiib ku qaaday koobka.
Klopp iyo asxaabtiisii la cawaanaysay ayaa ku qaylinayay:
“Waan soo aragnay koobkii yurub, nasiibka ayaa caawiyay Real Madrid, waan isdajinaynaa, dib ayaan ugu soo celinaynaa Liverpool (Final-ka), waana ku guulaysanaynaa”.
Gool FM