(Liverpool) 28 Maajo 2018. Wargeyska “AS” ee dalka Spain kasoo baxa ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in jamaahiirta kooxda Liverpool ay dalbanayaan in la ganaaxo kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos, sababa la xidhiidha dhaawacii uu u geestay xidiga kooxdooda ugu muhiimsan ee Mohamed Salah inta lagu gudi jiray kulankii finalka UEFA Champions League.
Liverpool ayaa qaab ciyaareed fiican kala hor tagtay kooxda Real Madrid 30 daqiiqo ugu horeeyay ee kulankii finalka UEFA Champions League, laakiin wax walba ayaa isku badalay si lama filaan ah kadib markii uu Salah garoonka kaga baxay dhaawac daran ee kasoo gaaray dhanka garabka bidix.
Wargeyska ayaa sheegay in taageerayaasha Liverpool iyo kuwa Mohammed Salah ay ka careysan yihiin qaabkii uu Ramos u dhaawacay Salah, waxayna aaminsan yihiin in hogaamiyaha Real Madrid uu si ula kac ah u dhaawacay Salah, kaasoo halis ugu jira inuu seego Koobka Aduunka 2018.
Mid ka mid ah dadka ayaa u sheegay shabakada “Change” in ay fiicnaan lahayd in la ganaaxo kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos, sababa la xidhiidha waxa uu ku sameeyay xidiga xulka qaranka Masar ee Mohamed Salah, waxaana codsigan ka qeyb qaatay ilaa iyo haatan in ka badan 300,000 oo qof.
“Ramos wuxuu si ula kac ah gacanta ugu hayay Mohamed Salah isagoo gacanta ku dhejiyey garabkiisa, mana uusan siinin fursad uu ku dhameysto ciyaarta, laakiin sidoo kale wuxuu seegi karaa koobka aduunka 2018”.
“Sergio Ramos wuxuu tusaale xun u noqonayaa jiilka xiga ee mustaqbalka kubada cagta, halka uu kulanka si nadiif ah ugu ciyaari lahaa, wuxuu adeegsaday khibrad, si weyn kaga soo hor jeeda sharciga ciyaar wanaagsan”.
“FIFA waa in ay go’aan ka qaadataa Sergio Ramos iyo kuwa la midka ah, iyadoo loo adeegsanayo cajalada muuqaal ee kulamadii lasoo dhaafay, si loo ilaaliyo ciyaar wanaaga”.
Gool FM.