(Europe) 29 Maajo 2018. Barcelona ayaa Real Madrid ku garaacday Kaalinta Koowaad ee kooxda ugu wayn Qaarada Yurub.
Sida uu sheegayo Euro Club Index, Barca ayaa ka sara martay kooxda ay coltamaan ee Real Madrid iyadoo ay jirto in sabtidii uun loo caleemo saaray Champions League markii 3-aad oo xiriir ah.
Liiskan kala sarreynta oo ay isku daba riday sports data company Gracenote ayaa si ay kaalimaha u kala go’aamiso isticmaashay arrimo kala duwan sida, bandhiga ay kooxaha ka sameeyaan kulamada bannaanka (Away Games) iyo waliba tartamada gudaha dalka.
Waqtigan oo kale sanadkii hore Real Madrid ayaa kaalinta 1-aad lagu qiimeeyay balse waxaa sanadkan dhaxlay Barcelona oo labaad ku jirtay sanadkii tagay.
Bayern Munich ayaa ku jirta weli kaalinteedii 3-aad halka ay Juventus ka soo kacday Shanaad iyadoona soo dagtay kaalinta Afaraad.
EEG KALA SARREYNTA KOOXAHA UGU WAYN YURUB:
Gool FM.