(Madrid) 29 Maajo 2018 Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa go’aan ka soo saaray dhacdadii uu sameeyay Sergio Ramos Final-kii Champions League.
Ramos ayeey kaamirooyinku soo qabteen isaga oo xusul ku dhifanaya goolhayaha Liverpool ee Loris Karius 2-daqiiqo ka hor intii Karim Benzema uusan dhalin goolka koowaad.
UEFA ayaana loo gudbiyay inay baaris ku samayso dhacdadaas, si loo ganaaxo laacibka kooxda Real Madrid ee Ramos.
Laakiin UEFA ayaa soo saartay go’aan ah in Ramos uusan wax ganaax ah ku mutaysan karin dhacdadaas maadaama aysan qayb ka ahayn dhacdo wayn oo ganaax uu ku mutaysan karo.
Muuqaalka waxaa ka soo muuqday mar goolhaye Loris Karius uu kala tuurayo Ramos kaas oo ku sii dhacay Virgil van Dijk.
Gool FM