Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Finalkii Champions League-ga wuxuu cadeeyay in nasiibku uu muhiim u yahay nolosha”

$
0
0

(Champions League) 29 Maajo 2018. Tababarihii hore xulka qaranka Argentina César Luis Menotti ayaa sheegay uu nasiibka ku saaciday in ay ku guuleysato xili ciyaareedkan tartanka Champions League.

Los Blacos ayaa ku garaacday Sabtidii lasoo dhaafay kooxda reer England Liverpool finalka Champions League, kadib markii ay ku garaacday 3-1.

.Menotti ayaa u sheegay idaacada Fox Sports “finalkii Champions League-ga wuxuu cadeeyay in nasiibku uu muhiim u yahay nolosha”.

“Wuxuu ahaa kulankii ugu xumaa ee kooxda Real Madid Toni Kroos wuxuu u ciyaaray six un, Cristiano Ronaldo ma uusan taaban kubada, Karim Benzema wuxuu taabtay kubada 3 jeer, Marcelo sidoo kale ma uusan aheyn sida ugu fiican”.

“Waxay ila tahay in Real Madrid ay dhalisay 3 gool aysan u qalmin, kadib qaladkii uu sameeyay Loris Karius, xitaa goolkii cajiibka ahaa ee Gareth Bale nasiib ayuu ahaa”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles