(UEFA)) 05 Juunyo 2018. Xiriirka kubada cagta ee qaarada yurub (UEFA) ayaa ku dhawaaqday in goolhaayaha Gianluigi Buffon uu mari doono ganaax 3 kulan ah, sababa la xiriira fal celintii uu ka sameeyay kulankii Real Madrid iyo Juventus ku dhex maray garoonka Santiago bernabéu.
Gianluigi Buffon ayaa qaatay gaarka casaanka ee toos ah uu kala kulmay garsoore Michael Oliver, kadib markii uu si xoogan kaga soo hor jeestay go’aankii uu kaga dhigay rigoore ilbiriqsiyadii ugu dambeeyay kulankii xiisaha badnaa ee ka dhacay garoonka Santiago bernabéu, taasoo suuragal ka dhigtay in Juventus ay isaga harto tartanka Champions league.
UEFA oo war rasmi ah ay soo saartay waxay ku sheegtay: “Guddiga anshaxa ee UEFA ayaa go’aansaday inay ganaaxaan Gianluigi Buffon 3 kulan oo ka tirsan tartamada Yurub (UEFA) kaas oo uu xaq u yeelan doono inuu maro”.
Ganaaxaan la dul dhigay 40 jirkan reer Talyaani ayaa waxay kahor istaagi doontaa saddex kulan uu kala soo muuqan lahaa Champions League kooxda Paris Saint-Germain hadii ay dhacdo inuu u dhaqaaqo.
Gool FM.