Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Dhakhaatiir Xaqiijisay in Ramos uu Sabab u ahaa Labadii Gool ee sida Sahlan uga dhalatay Goolhaye Loris Karius Finalkii Champions League…(Sidee??)

$
0
0

(Europe) 05 Juunyo 2018. Taageere Kasta oo Liverpool ah ayaa Naceyb u qaaday goolhayahooda Loris Karius iyagoona marna ilaawi doonin Goolashii sida Sahalka ah uga dhashay Finalkii Champions League ay ka qaaday Real Madrid.

Yeelkeede, Dhakaatiir heer caalami ah ayaa iminka soo saaray in Sergio Ramos uu sabab u ahaa goolashii sida fudud uga dhashay Karius kaddib jugtii uu Madaxa ka gaarsiiyay.

Khubaro caafimaad oo Goolhayaha ku daweeyay dalka Mareykanka ayaa Xaqiijiyay sheekadan kaddib markii ay Scan maskaxda ka mariyeen.

Sergio Ramos' collision with Karius

Sida uu sheegayo warsidaha ESPN in Tijaabooyinkii Goolhayaha reer Germany lagu Marsiyay Isbitalka Massachusetts General ay daaha ka rogeen in jugtii uu Gaarsiyay Ramos ay saameysay Bandhiga Loris Karius.

Dhakhaatiirta ayaa Aaaminsan in Karius uu la dhibtoonayay Shook dhanka maskaxda ah kaddib markii ay isku dheceen Kabtanka Real Madrid daqiiqadii 49-aad ee ciyaarta ka hor inta aysan ka dhalan labadii gool ay sahlaneyd.

Laakiin Dhakhaatiirtu waxay sidoo kale warbixintooda ku sheegeen in jugta soo gaartay goolhayaha aysan saameyn ku yeelan doonin Mustaqbalka caafimaadkiisa.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles