(Europe) 08 Juunyo 2018. UEFA ayaa diiday inay dhanka maaada iyo Qosolka ka eegto Bisad garoonka soo geshay ciyaartii Champions League ee u dhexeysay kooxaha Bayern Munich iyo Besiktas iyadoona ganaax lacageed dhan 30,000 oo bound dul dhigtay naadiga reer Turki.
Dhacdadan ayaa dhacday lugta labaad ee wareega 16-ka ay Besiktas mininkeeda ku marti galisay Camaaliqada reer Jarmal iyadoo ay Mukulaal soo gashay garoonka ay hakad yar galisay ciyaarta.
Garsoore Michael Oliver ayaa kubada qabtay isla markaana daawanayay Yaan-Yuurta inta ay ka sii boodeysay boorka xayaysiinta dabadeedna dib u bilaabay ciyaarta.
UEFA ayaa Besiktas ku eedeysay inaysan si hufan u qaban qaabin kulanka maadaama ay mukulaal soo gashay garoonka waxaana lagu ganaaxay 30,000 oo bound.
Kooxda reer Turki ayaa sidoo kale lagu ganaaxay in taageerayaasheeda ay walxo ku soo tuurayeen garoonka intii uu socday kulanka.
SAWIRRO:
Gool FM.