Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

RASMI: AC.Milan oo laga ganaaxay koobabka yurub muddo dhan 2-sano!

$
0
0

(Milan) 27 Juunyo 2018 Xiriirka kubadda cagta yurub ee UEFA ayaa ganaax culus ku riday kooxda AC.Milan ee dalka talyaaniga.

UEFA ayaa ku eedeysay AC.Milan inay jabisay sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha yurub, waxaana laga ganaaxay ka qayb galka koobabka yurub muddo dhan 2-sano.

Milan ayaan ciyaari doonin Champions League iyo Europa League 2-da sano ee soo socota xitaa haddii kooxdu ay u soo baxdo koobab kaan.

UEFA ayaa warbixinteeda ku sheegtay in AC.Milan ay u furan tahay inay racfaan ka qaadato ganaaxaan lagu riday.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles