(Juventus) 11 Luulyo 2018. Alessandro Del Piero ayaa si weyn u taageeray imaatinka Cristiano Ronaldo ee kooxda Juventus, kadib markii uu kaga soo biiray kooxda Real Madrid.
33 jirrka reer Portugal ayaa yimid kooxda Juventus, kadib markii ay labada kooxood kooxood kuwada heshiiyeen aduun dhan 105 million euros iyo 12 million euro see ah lacagaha kala wareejinta.
Hadaba Alessandro Del Piero ayaa sheegay in imaatinka Cristiano Ronaldo ay kooxda ka caawin doonto ku guuleysiga Champions League.
“Cristiano wax walba waa macquul, waxaan ku guuleysan karnaa xitaa Champions League”.
“Waa xidig cajiib ah, wuxuu goolal u dhalin karaa dhinac kasta, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku arko Juventus, waa wax aad u fiican inaan ku aragno halkan, Torino waxay ku soo dhaweyn doontaa jacayl”.
Gool FM.