Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Aad baan u niyad jabsanaa finalkii UEFA Champions League”….Gareth Bale

$
0
0

(Inter) 14 Luulyo 2018. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Gareth Bale ayaa sheegay inuu dareemay niyad jab ka dib marka uusan kusoo bilaawan finalkii Champions League ay kula ciyaareen Liverpool.

Macalinkii hore kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa go’aansaday inuu ku soo bilaawdo dhanka weerarka xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema, wuxuuna taas badalkeeda Bale kusoo bilaawday kursiga keydka.

Laakiin Bale ayaa kulankan qeyb kaga soo noqday qeybta labaad wuxuuna awooday inuu dhaliyo 2 gool, taasoo ka caawisay Real Madrid in ay ku guuleystaan koobka UEFA Champions League.

Bale ayaa wareysi uu dhawaan siiyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain wuxuu kaga hadlay sida uu ahaa dareenkiisa kulankii finalka UEFA Champions League.

“Waxaan dareemay niyad jab, sababtoo ah kuma aan soo bilaawan ciyaarta”.

“Waxaan horey u sheegay inaan ku kalsoonaa in ciyaarta aan ku yeeln karo door muhiim ah, laakiin ugu dambeyn sidaas waa ay dhacday”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles