Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Sadio Mane oo laga badelay LAMBARKII uu u xirnaa Liverpool… (Maxaa loo dhiibay??) + SAWIRRO

$
0
0

(Liverpool) 20 Luulyo 2018. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa lambarka ka bedeshay xiddigeeda gabar weerarka uga ciyaara ee Sadio Mane, waxaana ay siisay lambar cusub.

Liverpool ayaa Sadio Mane u gacan galisay lambarka 10-aad, isagoo kooxda u xiran doona xilli ciyareedka 2018-19.

Mane ayaa horay ugu xiran jiray kooxda ka dhisan garoonka Anfield lambarka 19-aad, laakiin waxa uu hadda kaddib kooxda u xiran doonaa lambarkii 10-aad oo uu naadiga Reds u xiran jiray Philippe Coutinho, kaasoo bishii Janaayo ku biiray Barcelona.

Xiddiga xulka qaranka Senegal ayaa noqonaya ciyaaryahankii 7-aad oo lambarka 10-aad u xirta kooxda Liverpool horyaalka Premier League, kaddib Coutinho, John Barnes, Joe Cole, Luis Garcia, Michael Owen iyo Andriy Voronin.

Lambarkaan astaanta ah waxaa sidoo kale horay u soo xirtay Sammy Lee, Terry McDermott, Jimmy Case, Steve Heighway, John Toshack iyo Mark Lawrenson xilliyadii hore.

Mane ayaa dhaliyey 20 gool 44 kulan oo uu u ciyaaray Liverpool xilli ciyaareedkii hore oo ay ku jiraan 10 gool oo uu ka dhaliyey 13 kulan oo uu ciyaaray Champions League.

SAWIRRO:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles