Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Mohamed Salah oo kula tartamaya Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo Weeraryahanka ugu wanaagsan Champions League xili Uefa ay Shaacisay Abaalmarinada Musharixiinta kooxda Sanadka

$
0
0

( UEFA ) 10 Agoosto 2018. Dhaliyaha kooxda Liverpool Mohamed Salah ayaa kamida liiska u sharaxan weeraryahanka ugu wanaagsan xagaagii tagay koobka Champions League.

Laacibka heerka caalami ee dalka Egypt ayaa 11 gool ka dhaliyay tartanka wuxuuna ka caawiyay naadiga uu leyliyo Jurgen Klopp in ay gaaraan finalka ka dhacay Kiev, walow uu dhaawacmay cayaartii kama dambeysta oo ay guuldaro 3-1 kala kullmeen kooxda Real Madrid.

Wuxuu kala qeyb yahay tartanka weerarka ugu wanaagsan Cristiano Ronaldo –oo horaantii xagaagan ka tagay Madrid iyo dhaliyaha Barcelona Lionel Messi.

Image result for Mo Salah up against Lionel Messi and Cristiano Ronaldo for Champions League best forward award with Kevin De Bruyne listed for midfielder prize

Manchester City oo 5-1 wadar gooleed ah lagu xaaqay kaddib guuldaro ay kala kulmeen kooxda ay ku xafiltamaan horyaalka Premier League Liverpool tasoo tartanka kaga reebtay wareega siddeeda ayaa ka dhigan tahay in xasuuqaas uu saameyn ku yeelan xiddigooda Kevin De Bruyne oo u jira musharaxiinta qadka dhexe ee u wanaagsanaa koobka.

Ninka kasoo jeeda dalka Belgium ayaa kulan tartami doona abaalmarinta dhexda ugu wanaagsan laba cayaariyahan ee kooxda Real Madrid Toni Kroos iyo Luka Modric.

Goolhayaha cusub ee Liverpool Alisson Becker ayaa laga yabaa in loo magacaabo goolhayaha ugu fiicnaa tartanka Champions League kaddib waxqadakisii kooxda Roma, laakiin ninka reer Brazil ayaa u baahan inuu meesha ka saarao gool ilaaliyaha Madrid Keylor Navas iyo Gianluigi Buffon –kasoo u dheelay Juventus laakiin haatan kamida Paris St Germain.

Abaalmarinta daafaca ugu wanaagsan tartanka waxaa shaki la’aan ku tartamaya xiddiga dambeedka dambe ee kooxda Real Madrid ee kala ah Marcelo, Sergio Ramos iyo Raphael Varane.

Musharaxiinta ayaa waxaa dooran doona Saxafiyiinta, waxaana guuleystayaasha la shaacin doonaa inta lagu guda jiro isku aadka wareega Group-ka ee koobka Champions League oo dhici doonta 30 bishaan August.

Image result for Alisson Becker Keylor Navas and Gianluigi Buffon

Dhan kale tartanka Europa League ma lahan wax abaalmarino shaqsiyeeda laakiin waxaa la dooran doonaan cayaariyahan tartanka ugu wanaagsanaa xili cayaareedkii  2017-18 marka la sameynayo isku aadkiisa heerka Group-ka maalinta ka dambeysa Champions League.

Laacibka bartilmaameedka u noqday xiliga dambe kooxda Manchester United balse ay ku gacan seereen ee Diego Godin ayaa ah mid kamida seddaxda musharax ee abaalmarintan taaso markii ugu horreeysay uu ku guuleystay sanadkii 2017 Paul Pogba –waxaana daafaca Atletico Madrid kula tartamaya saaxibkiisa kooxda Antoine Griezmann,oo laba gool ka dhaliyay finaalka tartanka dhigooda Marseille – kuwasoo uu abaarmarinta qeyb kaga yahay laacibkooda Dimitri Payet.

Image result for Varane Ramos and Marcelo

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles